Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev iyo Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa berri oo Khamiis ah ku kulmaya caasimadda Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi, si ay u dhameystiraan heshiis nabadeed kadib dagaal socday ku dhowaad 40 sano.

Kulanka Abu Dhabi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee rasmi ah oo dhex mara labadan hoggaamiye tan iyo markii ay isla meel dhigeen nuqulka heshiiska nabadda.
Bishii la soo dhaafay, Pashinyan ayaa booqasho naadir ah ku tagay Turkiga halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, kaasoo sheegay inuu taageeri doono dadaallada nabadda la xiriira.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa dhawaan muujiyey rajadiisa ku aaddan in heshiis laga gaaro labada dal ee dariska ah.
Labadan dal ayaa galay dagaallo isdaba joog ah tan iyo dabayaaqadii siddeetanaadkii, xilligaas oo gobolka Nagorno-Karabakh oo ku yaalla Azerbaijan balse ay markaas degganaayeen dad u badan Armeniyiin uu ka go’ay Azerbaijan isagoo taageero ka helaya Armenia.
Bishii Maarso ee la soo dhaafay, labada dal ayaa sheegay inay dhammeeyeen diyaarinta qabyada heshiiska nabadda, taasoo ahayd guul weyn, hase yeeshee waqtiga rasmiga ah ee lagu saxiixayo heshiiskaas weli lama cayimin.
Wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan waxay bilaabmeen kadib markii Azerbaijan ay bishii Sebtembar 2023 dib ula wareegtay gacan ku haynta gobolka Karabakh. Tallaabadan ayaa ku qasabtay in inta badan dadka reer Armenian ee ku noolaa gobolkaas oo lagu qiyaasay ku dhowaad 100,000 ay u qaxaan Armenia.
Horseed Media



