Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan lagu dilay weerarada ay kusoo qaadeen ciidamada Israa’iil, koonfurta Lubnaan.

War qoraal ah oo lagu wadaagay baraha bulshada, UNIFIL waxay ku sheegtay in laba nabad ilaaliye la dilay Isniintii “markii qarax aan la garanayn uu burburiyay gaarigooda” meel u dhow tuulada Bani Hayyan ee koonfurta Lubnaan.
Ku dhawaaqista ayaa timid saacado kadib markii UNIFIL ay sheegtay in mid ka mid ah nabad ilaaliyeyaasheeda lagu dilay dhacdo kale “markii gantaal uu ku qarxay meel u dhaw sadhiga UNIFIL” Axaddii, nawaaxiga tuulada koonfurta Lubnaan ee Aadshit al-Qusayr.
Ciidamadu waxay sheegeen in “asalka saxda ah ee gantaalka” halka laga soo riday aan si dhakhso ah loo caddayn, laakiin baaritaan lagu sameenayo dhacdadan. Walow wararka madaxa banaan ay sheegayaan in gantaalkaasi ay ku dhufteen ciidamada Israa’iil.



