Askar ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Koonfur Afrika ayaa lagu dilay bariga dalka DRC.

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Koonfur Afrika ayaa lagu dilay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo Sabtidii uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidammada Congo iyo dagaalyahannada M23 oo ay Rwanda taageerto.
Dagaalka ayaa sii socda in kasta oo ay beesha caalamka ay ku baaqday in M23 ay joojiyaan duulaankooda magaalada Goma oo ah magaalada muhiimka ah ee bariga ayna ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof.
Ka dib markii uu fashilmay wadahadaladii nabadeed ee ay hogaaminaysay Angola, M23 iyo ciidamada Rwanda ayaa u dhaqaaqay toddobaadyadii la soo dhaafay magaalada Goma, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Kivu ee DR Congo oo ah deegaanka hodan ku ah macdanta.
Dagaal xooggan ayaa tan iyo khamiistii ka socday dhowr jiho oo wax ka yar 10km u jira agagaarka magaalada Goma.
Madaxweynaha Angola Joao Lourenco, oo u magacaabay dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ee xiisadda u dhexeysa Rwanda iyo DRC, ayaa dhalleeceeyay “tallaabooyin mas’uuliyad darro ah oo ay qaadeen M23 iyo taageerayaasheeda” taasoo cawaaqib xun ku yeelan doonta ammaanka gobolka.