29 June, 2025
Qaar kamid ah askartii ku dhaawacantay dagaalka Cal-miskaad ee dabar goynta Daacish ayaa saaka gedood ka…

Qaar kamid ah askartii ku dhaawacantay dagaalka Cal-miskaad ee dabar goynta Daacish ayaa saaka gedood ka sameeyey Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Sawirro laga soo qaaday afaafta hore ee cisbita Boosaaso ayaa muujinaya qaar kamid ah dhaawacyada oo xirtay wadada, iyagoo ka cabanaya adeeg xumo caafimaad.
Waxa ay sheegeen inaysan heli daryeelkii caafimaad ee ay mudnaayeen waxaana ay ka dalbadeen guddiyada iyo hay’adaha dowladda ee ay qusayso inay ka jawaabaan cabashadooda.





