Allaha unaxariiste Gaashanle Farxaan Cabdulqaadir xassan iyo Dable Xasan Maxamuud Nuur waxay kamid ahaayeen halyeyada reer Puntland ee naftooda u huray difaaca dalka.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kaga qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey labo kamid ah ciidamada dowladda Puntland oo ku geeriyoodey dagaalka ka socda buuraleeyda Cal-miskaad.
Aaskaan ayaa waxaa loo sameeyey Allaha unaxariiste Gaashanle Farxaan Cabdulqaadir xassan iyo Dable Xasan Maxamuud Nuur oo labaduba katirsanaa ciidamada dowladda ee ku geeriyoodey dagaalka kooxaha nabaddiidka ah looga saarayo gobolka Bari.

Magaalada Boosaaso oo ah ubucda dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa la geeyaa dhaawacyada ugu badan ee dagaalka marka laga reebo kuwa fudud ee lagu daweeyo Balli-dhidin iyo kuwa qaba dhaawacyada lafaha ee Carmo, iyadoo dowladdu dalka dibaddiisa xaalad caafimaad ugu dirtay saraakiil iyo askar qabta dhaawacyo dalka wax looga qaban waayey.
