Askari iyo darawal mooto Pajaaj ku geeriyoodey Magaalada Garoowe.

Inta la xaqiijiyey laba ruux oo mid kamid ahaa askari katirsan ciidanka ammaanka Puntland ayaa ku…

25 November, 2025

Inta la xaqiijiyey laba ruux oo mid kamid ahaa askari katirsan ciidanka ammaanka Puntland ayaa ku geeriyoodey shil habeenimadii xalay ka dhacay bartamaha Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo katirsanaa ciidankii dhawaan lagu wareejiyey ammaanka Garoowe iyo darawalka Mooto Pajaaj ayaa geeriyoodey kadib markii mooto ay wateen uu gaari jiirsiiyey shaqsi la sheegay inuu adeegsadey waxyaabaha maanka dooriya.

Taliska guud ee ciidanka booliska Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida labada ruux ayaa sheegay inay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aaddan arrinkaan, ayna gacanta ku hayso laanta dembi baarista ee CID.

QORAALKA BOOLISKA

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo ku hadlaya magaciisa iyo dhammaan Ciidanka Booliska Puntland, ayaa ka tacsiyayeeyay geerida Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland. Waxa uu ku geeriyooday caawa Garoowe, waxaana sidoo kale ku geeriyooday qof shacab ah. Arrintaas waxaa baaritaan ku wada Laanta Baarista Dembiyada (CID).

Ugu dambayntii, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Mumin Cabdi Shire wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka reer Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku. Waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembiyadiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul-Firdawsa.