Cisbitaalka guud ee Magaalada Garoowe ayaa la keenay meydka Marxuum Cabdisiciid Maxamuud Cilmi, oo shalay galinkii…

Cisbitaalka guud ee Magaalada Garoowe ayaa la keenay meydka Marxuum Cabdisiciid Maxamuud Cilmi, oo shalay galinkii dambe lagu dilay deegaanka Suubaan ee degmada Godobjiiraan oo katirsan gobolka Nugaal.
Macalinka ayaa la sheegay inuu dil u geystey mid kamid ah ciidamada Booliska Puntland ee dhawaan ay dowladda geysey degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal, si ay uga shaqeeyaan ammaanka deegaanka.
Sarkaal katirsan ciidanka booliska Dowladda Puntland ayaa u xaqiijiyey HM in askariga ku eedaysan dilka marxuumka la xiray loona gudbiyey xabsiga weyn ee Garoowe, iyadoo loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo mariyo baaritaan iyo hannaan sharciyeed.
Dilkaan oo siweyn uga caraysiiyey bulshada deegaanka ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo badanayaan dilalka noocaan oo kale ah oo ay beeluhu magaha ku kala qaataan siina xoojiya ku dhiirashada falalka noocaan oo kale ah.




