Homboro (Dolphins) waxaa laga helay xeeb go’doonsan oo ku taal waqooyi-galbeed Tasmania. Ilaa 136 ayaa nool, laakiin mas’uuliyiinta ayaa sheegaya inay caqabad noqon doonto in dib loogu celiyo badda.

In ka badan 150 Homboro (Dolphins) ayaa laga helay xeebta gobolka Tasmania ee Australia.
Maamulka ayaa Arbacadii sheegay in kooxaha samatabbixinta ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan.
Hawlgalka samatabbixinta ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid adag, sababtoo ah meesha fog ee xeebta iyo dhibaatada helitaanka qalabka lagu caawin karo.
Dhacdadii ugu weyneyd ee Australia ka dhacda waxay ahayd markii 470 Homboro laga helay dekedda Macquarie sanadkii 2020.
Cilmi baarayaasha caalamka ayaa weli jawaab u waayey sababta noolahaan ay marar badan iyagoo boqolaal gaaraya xeebta ugu soo caariyaan.
Bishii Janaayo ayey sidan oo kale 110 Homboro (Dolphins) kusoo caariyeen xeebta magaalada Boosaaso, gaar ahaan inta u dhexeysa agagaarka dekedda Boosaaso ilaa xeebta Mareero.