Susan Coyle ayaa lagu wadaa inay la wareegto madaxa ciidanka Australia bisha Luulyo, iyadoo noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata taariikhda dalka. Coyle waxay ku biirtay ciidanka iyadoo 17 jir ah.

Dowladda Australia ayaa Isniintii ku dhawaaqday isku shaandheyn lagu sameeyay hoggaanka militariga, oo ay ku jirto magacaabista haweeneydii ugu horreysay ee jagada taliyaha ciidamada taariikhda dalka.
Sarreeye Guuto Susan Coyle ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa mid ka mid ah saddexda laamood ee militariga Australia.
Coyle hadda waa madaxa awoodaha wadajirka ah waxaana la filayaa inay xilka la wareegto bisha Luulyo ee sanadkan, iyadoo beddelaysa Jeneraal Simon Stuart.
Magacaabisteeda ayaa timid iyadoo militariga Australia ay doonayaan inay kordhiyaan tirada saraakiisha haweenka ah.



