Austria: 1 qof ayaa ku dhintay, 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar mindi loo adeegsaday

16 February, 2025

Wiil 14 jir ah ayaa lagu dilay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay koonfurta dalka Austria. Shan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay. Booliska ayaa xiray 23 jir u dhashay dalka Suuriya.

Nin 23 jir ah ayaa Sabtidii shalay tooreey ku weeraray lix qof oo taagnaa magaalada Villach ee koonfurta dalka Austria, sida ay booliisku sheegeen.

Wiil 14 jir ah ayaa ku dhintay weerarka, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo kale.

Waxaa la xiray ninkii weerarka geystay. Waa magangalyo-doon Suuriyaan ah oo haysta sharci degenaansho ah, wax dambi ahna aan horey u gelin, afhayeen u hadlay booliiska Rainer Dionisio ayaa u sheegay warbaahinta.

Dhacdadan ayaa dhacday wax yar ka hor 4-tii galabnimo. waqtiga maxaliga ah ee bartamaha Villach, caasimadda gobolka Carinthia ee Austria.

Sida laga soo xigtay Dionisio, darawal cunto geynayay oo asna kasoo jeeda asal ahaan Suuriya oo arkay weerarka ayaa baabuurkiisa ku dhuftay ninka weerarka geystay, kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Booliska ayaa sheegay in aysan cadeyn in tuhmanaha uu kaligiis ficil soo qorsheeyey iyo in kale. Ujeedadiisa sidoo kale ma cadda, waxaana booliisku ay baarayaan xogtiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Austria Gerhard Karner ayaa Axadii sheegay in weerarkan uu ahaa “Weerar argagaxiso”. Eedeysanaha ayaa la sheegay in laga xagjireeyay dhanka internetka.