Awaamiir la duldhigay golayaasha deegaanka iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa soo saaray go’aan cusub…

1 September, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu adkeynayo habsami-u-socodka maamulka degmooyinka Puntland.

Go’aanka ayaa dhigaya in guddoomiyaha degmo kasta uu guddoomiyaha gobolka ogeysiiyo fasaxiisa iyadoo ciddii jebisa laga qaadi doonaa tallaabo maamul iyo mid sharci.

Sidoo kale, go’aanka ayaa mamnuucaya in kalfadhiga golaha deegaanka dib loo dhigo laba jeer oo isku xigta iyada oo aan jirin sabab sharci ah, waxaana kalfadhigeedu u qabsoomi waayo laba jeer oo isku xigta sabab la’aan, goleheeda deegaanku lumin doonaan xasaanadda, sida ku cad bayaanka.