Hanti-dhowrka Puntland oo faray dhammaan mas’uuliyiintii uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Deni inay soo gudbiyaan hantidooda gaarka…

Hanti-dhowrka Puntland oo faray dhammaan mas’uuliyiintii uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Deni inay soo gudbiyaan hantidooda gaarka ah, kahor inta aysan si rasmi ah xilka ugala wareegin Madaxdii hore.
Hanti-dhowrka ayaa sheegay in Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo xubnaha kala duwan ee golayaasha dowladdu aysan geli karin ganacsi inta ay xilka joogaan, si loo ilaaliyo hantida dadweynaha ee ay maamulaan.
Ugu dambayntiina Hanti-dhowrka guud ee Puntland ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Mas’uuliyiintii dowladda ee xilalka laga qaaday inta aysan ku wareejinta Madaxda cusub ee xafiisyada la wareegi doona.





