Axmed Madoobe iyo Senator Beddel Gabboose oo heshiiyey.

2 February, 2026

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Senator Ilyaas Badal Gaboose oo uu weheliyo Sheekh Daahir…

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Senator Ilyaas Badal Gaboose oo uu weheliyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi ayaa isku afgartay in danta guud, nabadda iyo Midnimada Shacabka Jubbaland laga wada shaqeeyo.

Kadib kulan saddex geesood ah oo ay dhinacyadu ku yeesheen aqalka Madaxtooyada ayaa Gabboose looga qaaday xayiraaddii saarnayd, waxaana Axmed Madoobe sheegay inay ka wada shaqayn doonaan danaha Jubbaland.

“Dowladda Jubaland waxay diyaar u tahay tanaasul aan xad lahayn si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa. Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka ree Jubaland” ayuu yiri MW Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo hoggaamiyayaal reer Jubbaland ah ayaa sidaan oo kale 2020 ka heshiiyey isdiidooyin ka dhashay doorashooyinkii uu hormuudka u ahaa Ra’iisul Wasaare Xamse ee Kismaayo ka dhacay 20219.