Axmed Madoobe oo Bilaabay La Xisaabtanka Wasiirada Xukuumadiisa

Published: December 22, 2019

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wada barnaamij uu ugu magac daray isla Xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Jubbaland.

Maanta waxaa Madaxweynahu uu isla Xisaabtan ku sameeyay shaqada Wasaarada Arimaha gudaha ee Sanadkii lasoo dhaafay iyo qorshaha Sanadka soo socda ee 2020ka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaasha hortabinta u leh shaqada Sanadka soo socda.

Waxaa Wasaaradu ay soo gudbisay in Soo celinta dadka qoxootiga ah ee kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga dhadhaab ay Wali socoto inkastoo gaabis uu ka jiro dadkii sida iskood ah uga soo noqonayay halkaas.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in gacanta lagu hayo mashariic waa weyn oo laga hirgalinayo guud ahaan Jubbaland kuwaas oo shacabka waxtar u leh.

Mashaariicdan Waxaa kamid ah dhismaha sideed wado oo laami ah kuwaas oo laga hirgalinayo Degmada Kismaayo iyo sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xirta Degmooyinka luuq iyo Doolow oo laami laga dhigayo.

Waxaa kale oo kamid ah dhismaha garoomada diyaaradaha Afmadow iyo dhoobley kuwaas oo qaab casri ah loo dhisayo wax badana ka tari doonta kaabayaayasha dhaqaalaha 

Waxaa kale oo ay Wasaaradu hormar ka samaysay Adeegyada xasilinta kuwaas oo isugu jira noocyo kala Duwan oo muhiim u ah Bulshada labadaas Magaalo ku nool iyadoo sidoo kale Wasaarada Arimaha gudaha ay gacanta ku hayso dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka Luuq iyo Baardheere oo dhawaan la bilaabayo.

Dhinaca kale, Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa kamid ahayd Wasaaradaha isla Xisaabtanka maray maanta.

Wasaaradu waxay soo bandhigtay in Sanadkii lasoo dhaafay wax badan laga qabtay dhiirigalinta maalgashiga iyadoo Wasaaradu ay qabatay bandhig carwooyin Ganacsi kuwaas oo dadweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamkaba lagu tusayay faa’iidooyinka Ganacsi ee Jubbaland yaala.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay xooga saartay bixinta shatiyada Ganacsiga iyadoo loo marayo hab sharci ah Waxaa kale oo kaluunka Jubbaland loo suuq geeya qaybo kamid ah caalamka sida wadamada dariska taas oo wax badan kusoo kordhisay Ganacsiga iyo dhaqaalaha Jubbaland.

Wax soo saarka kala duwan ee Jubbaland ayaa sidoo kale qaybo kamid ah dib h habayn lagu sameeyay si dunida suuq loogu sameeyo taas oo ay aad usoo dhaweeyeen beeraleeyda ku howlan was soo saarka dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *