Axmed Madoobe oo dhaliilay ciidamada DFS ka qoronayso deegaamada Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si adag u dhaliilay qorshaha DFS ciidamada kaga…

26 June, 2026

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si adag u dhaliilay qorshaha DFS ciidamada kaga qoranayso deegaamada Puntland, isaga oo sheegay in qofka maanta ku baaqaya in ciidamo laga qoro Puntland uu yahay isla shaqsigii hore u hor istaagay in diyaarado lagu qaado askartii ku dhaawacantay dagaalladii ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Mar uu ka hadlayey Magacaabista Taliye Jimcaale, ayuu sheegay inuu ku dambeyn doono halkii ay ku dambeysey saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii ka dhacay Raas-Kambooni, wuxuuna tilmaamay in shacabka Puntland aysan aqbali doonin duullaan lagu burburinayo dowladdooda loogana soo qaaday Magaalada Muqdisho.

‘’Jimcaalaha lagaynayo Puntland ee la magacaabayo muxuu kaga duwan yahay jimcaalihi Raas-kambooni,Ninka maanta leh ciidan baa ka qoran Puntland waa ninkii dhaawaca askarta Calmiskaat diyaaraddaha u diidayay”, Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu hayo codad uu ku sheegay inay yihiin kuwo ay madax ka tirsan Dowladda Federaalka kula hadlayaan askarta Jubbaland, isagoo sheegay in haddii uu baahiyo codadkaas ay dhaawici karaan kalsoonida dowladnimada.