Axmed Madoobe oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay deegaamada Jubbaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar usoo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan…

14 June, 2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar usoo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in casharrada kala duwan ee ay qaateen, gaar ahaan la dhaqanka bulshada, loo baahan yahay in laga dareemo deegaannada cadowga ay ka xoreynayaan maalmaha soo socda.

Isagoo ka hadlayey munaasabadda xiritaanka tababarka ayuu sheegay in guusha howlgaladu aysan ku koobnayn oo keliya dhinaca amniga, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka ay u adeegayaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaalka ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday, isagoo ku dhiirrigeliyey inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana ay door muuqata ka qaataan xoreynta iyo sugidda amniga deegaannada Jubaland