Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo…

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaarey Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Waftigaan oo ka soo kicitimay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Garowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo bulsho kala duwan.
Axmed Madoobe oo dib loo doortay dhammaadka sanadkii hore ayaa dhiggiisa Puntland kala arrinsan doona xaaladda siyaasadeed ee Somalia, arrimaha dastuurka, ammaanka iyo doorashooyinka, sida ay HM u xaqiijiyeen xubno katirsan Madaxtooyada Puntland.
Waxaa kale oo lafilayaa inay ka arrinsadaan sidii ay mucaaridka Muqdisho ugu casumi lahaayeen Magaalada Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo qaabka ay noqonayso doorashada dalku marka la gaaro 2026.
Axmed Madoobe ayaa Garoowe ku yimid safarkiisii ugu horreeyey muddo saddex sano ah waana socdaalkiisii 1aad ee gudaha uu ku tago Soomaaliyada ka baxsan Jubbaland tan iyo markii dib loogu dhaariyey xafiiska.