Axmed Madoobe oo Golaha wasiiradda Jubbaland kala shiray Amniga iyo Siyaasada.

21 August, 2025

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubaland kaas…

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubaland kaas oo looga hadlay qodobo muhiim u ah maamulka gaar ahaan amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka. Kulankan ayaa lagu xusay inuu yahay mid muhiim u ah isku xirka hay’adaha Jubaland iyo dejinta qorshayaasha lagu xoojinayo maamulka iyo nabadgelyada.

Intii uu kulanku socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa soo bandhigtay warbixin ballaaran oo ku saabsan mashaariicda biyo-gelinta ee ka socda deegaannada Jubaland. Warbixinta ayaa lagu faahfaahiyey qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo korontada iyadoo la sheegay in iskaashi lala sameeyey hay’ado caalami ah si loo hubiyo in bulshooyinka miyiga iyo magaalooyinka laga saaro biyo la’aanta.

Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay olole ballaaran oo lagu daweynayo ceelasha biyaha ee gobollada Jubaland si looga hortago in biyaha ceelashu noqdaan kuwo aan caafimaad ahaan u habboonayn isticmaalka bulshada. Tallaabadani ayaa ka mid ah qorshaha maamulka ee ku aaddan ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo ka hortagga dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha isticmaalka biyo wasakhaysan.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa Golaha Wasiirrada horgeysay Xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Jubaland. Xeerkan ayaa lagu sheegay inuu muhiim u yahay nidaaminta xirfadlayaasha caafimaadka hubinta tayada adeegyada caafimaad iyo ilaalinta xuquuqda bukaanka. Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga dooday xeerkan iyadoo loo arko mid kaalin weyn ka qaadan doona hagaajinta nidaamka caafimaad ee Jubaland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubaland ayaa ku bogaadiyay wasaaradaha soo bandhigay warbixinaha iyo hindisayaasha cusub isagoo ku dhiirrigeliyay Golaha Wasiirrada inay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta iyo qorsheynta si loo xaqiijiyo in shacabka Jubaland ay helaan adeegyo tayo leh oo joogto ah.