Axmed Madoobe oo ka hadlay aqoonsiga Somaliland & arrinta Imaaraadka.

14 January, 2026

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xaaladda dalka, aqoonsiga Somaliland…

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xaaladda dalka, aqoonsiga Somaliland iyo go’aankii xukuumadda federalka ah ee Somalia dalka kaga saartay Imaaraadka Carabta.

Ugu horrayn Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay go’aankii xukuumadda Somalia ee dekedaha saameynaya ayaa sheegay in aysan waxba ka bedeli karin xaqiiqada dhulka taala, isagoo tilmaamay in DFS ku fashilantay maamulida Hawada oo ay siyaadeysay, aysanna waxba ka beddeli doonin shaqooyinka horumarinta Imaaraadka ee dekedda Kismaayo.

“Waa dowlad dayday ah, Waa koox qowlaysato ah, oo shirkad ah, Majiri doono hadal dambe oo diblomaasiyad ah, waxaan qaadan doonaa go’aano ad-adag oo dalka lagu badbaadinayo”, Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay arrinta Somaliland ayaa sheegay in haddii laga hadli jiray diyaarad saaran Hargeysa, balse ay arkeen in diyaarad Drone ah oo Soomaaliya caalamku siiyey lagu weeraray ciidanka Jubbaland ee Raskambooni, wuxuuse sheegay in wadada Somaliland aysan ahayn mid sax ah.

“Jubbaland waxa ay u taagan tahay midnimada & wadajirka dalka, Somaliland waxa aan leeyahay halka aad aadeen idin kama jirto”, Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.