Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Nairobi ayaa maalinimadii shalay dib…

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Nairobi ayaa maalinimadii shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah u dowladda Jubbaland.
Axmed Madoobe oo ay Kismaayo ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin xukuumaddiisa katirsan ayaa la sheegay inuu Kismaayo ka bilaabi doono dar-dargelinta qabsoomidda shirka mucaaradka Somalia, Jubbaland iyo Puntland ee looga arrinsanayo arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo doorashooyinka Somalia.
Shirka oo horay loogaga dhawaaqay Nairobi ayaa waxaa ka qaybgeli doona Madaxda Puntland, Jubbaland, Madaxweynayaal hore, RW hore, siyaasiyiin mucaarad ah, xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Somalia iyo xubno kale oo danaynaya arrimaha siyaasadeed ee Somalia.
Axmed Madoobe oo dhawaan Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, ayaa la sheegay inay ka wada hadleen qabsoomidda shirka, arrimaha siyaasadda iyo xaaladda adag ee kala guurka Somalia.
Shirkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxtooyada Somalia ku adkaysanayso inaan dib loogu noqon doonin hanaankii hore ayna dalka ka hirgelinayso doorashooyin qof iyo cod ah inkastoo uu kooban yahay muddada xilhaynta ee u dhimman hay’adaha dowladda.



