Axmed Madoobe oo Kismaayo ugu yeeray xildhibaanada kumatala barlamaanka Somalia.

1 March, 2026

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa kulan wadatashi ah isugu yeeray xildhibaanada labada aqal ee…

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa kulan wadatashi ah isugu yeeray xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matala deegaamada Maamulka Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa xildhibaanada loogu yeeray inay 2da bisha March ee sanadka 2026, ka soo qaybgalaan kulan wadatashi ah oo berri ka qabsoomaya Magaalada Kismaayo.

“Xildhibaanada sharafta leh ee Labada Aqal ku matala Dowladada Jubaland, waxaan ku casuumaynaa kulan wadatashi ah oo aan kaga tashan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, Kasoo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaadhka ah ee Dowladada Jubaland taariikhdu markay tahay 2da bisha March ee sanadka 2026”, Ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.