Axmed Madoobe oo shaaciyey xal laga gaarey khilaaf muddo kala dhexeeyey Madaxweynaha Puntland.

27 June, 2025

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo…

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed Garoowe kula qaatay dhiggiisa Jubbaland ayaa shaaciyey inuu muddo dheer taagnaa khilaaf kala dhexeeyey Madaxweyne Deni haseyeeshee xilligaan ay ka heshiiyeen una soo jeedaan samatabixinta Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku faraxsanahay kala maqnaansho iyo kala fikir duwanaansho muddo soo jirtey inaan maanta dib isugu soo noqonay doodo dheer kadibna aan walaalkay waxbadan ka heshiinay, noona muuqatay marxaladda Soomaaliya maanta marayso iyo waxa ay u baahan tahay”, Ayuu yiri Axmed Madoobe.