Axmed Madoobe “Walaalkay Xasan Sheekh ku soo dhaweeyey Kismaayo”.

5 October, 2025

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hoos u dhigtay maqaamka safarka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane…

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hoos u dhigtay maqaamka safarka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ku tagay magaalada Kismaayo. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay maanta kusoo dhaweeyeen “walaalkood Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo”, taas oo muujisay in aan si rasmi ah loogu soo dhaweyn magaca Madaxweynaha Soomaaliya.

Jubbaland ayaa sheegtay in ay mar walba u furan yihiin albaabada wada-hadalka iyo wadashaqeynta, si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dhismaha dowladnimo mideysan. Balse khubaro siyaasadeed ayaa tilmaamay in hadalkaasi uu yahay mid muujinaya in weli aysan kala furmin khilaafkii siyaasadeed ee labada dhinac u dhexeeyey.

Dhanka kale, warbaahinta rasmiga ah ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa safarkaasi kaga soo warrantay iyadoo aanan xusin magaca Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), taas oo loo fasirtay in dowladda Federaalka aysan aqoonsanayn doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe sannadkii hore.

Is-maandhaafkan ayaa sii hurinaya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaas oo soo bilowday horaantii 2024, kaddib markii labada dhinac ay isku khilaafeen arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah.

Khilaafkaasi ayaa hore u horseeday dagaalo ay isku haleeleen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, iyadoo hadda rajada ugu weyn ee laga qabo ay tahay in la is arko oo wadahadal dhab ah lagu xalliyo tabashooyinka labada dhinac.