Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa hadal uu ka jeediyay shirka Golaha Mustaqbalka…

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa hadal uu ka jeediyay shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ku sheegay in aanay suurtagal ahayn in dalka uu galo firaaq dastuuri ah isaga oo carabka ku adkeeyay in hannaanka dowladnimada Soomaaliya u baahan yahay in lagu saleeyo dastuur iyo is-afgarad siyaasadeed.
Axmed Madoobe ayaa xusay in horay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay isku khilaafeen arrinta xilka sii joogista, xilli uu dhammaaday muddo-xileedkiisa Jubbaland, balse uu sheegay in muddo kaddib ay Jubbaland qabatay doorasho uu dib ugu soo baxay. Wuxuu tilmaamay in arrintaasi ay dhalisay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay isaga iyo Dowladda Federaalka, taas oo markaas ka hor timid qabashada doorashada Jubbaland.
“Aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ku kala maqanahay waxay ahayd ninyahow doorasho uma baahnin sharcina uma baahnin aan iska joogno, tii marka aan shalay isaga ka soo diiday hadana si guud inaan u sii ogolaado way adag tahay” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in qodobada ka soo baxay shirka Golaha Mustaqbalka ay salka ku hayaan in Soomaaliya laga hirgeliyo doorasho ay ku mideysan yihiin dowladda iyo mucaaradkuba, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo hubanti la’aan dastuuriga ah ee dalka gelin karta marxalad adag.
Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa caddeeyay inuusan aqbali doonin firaaq dastuuri ah ama in xilka lagu sii nagaado si sharci darro ah, isaga oo xusay in uusan raalli ka ahayn in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayo haddii ay dhammaato muddadiisa 15-ka May, haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.



