Wasiirka Gaadiidka ee Azerbaijan, Rashan Nabiyev, ayaa sheegay in “diyaaradda ay ku dhacday walaxnooca hubka ah taas oo la xaqiijin doono.
Waxaa sii kordhaya calaamadaha muujinaya in burburka diyaaradda rakaabka ee ku sii jeeday Ruushka, taasoo Azerbaijan ka duushay Arbacadii, ay sabab u tahay nidaamyada difaaca hawada ee Ruushka.
Diyaaradda Embraer ayaa ku dhacday meel u dhow garoonka Aktau ee Kazakhstan Arbacadii, waxaana ku dhintay 38 qof, halka 29 qofna ay ka badbaadeen.
Wasiirka Gaadiidka ee Azerbaijan, Rashan Nabiyev, ayaa sheegay in markhaantiga dadka goob-joogayaasha ah ay soo jeedinayaan in la maqlay “qarax dibadda ah” ka hor inta aanay diyaaraddu “wax ku dhicin.”
“Nooca hubka loo isticmaalay weerarka waa la caddeyn doonaa inta baaritaanka socdo,” ayuu yiri Nabiyev.
Afhayeenka Aqalka Cad, John Kirby, ayaa dhinaca kale sheegay in Washington ay aragtay “tusaalayaal horudhac ah oo muujinaya in diyaaraddan ay soo rideen nidaamyada difaaca hawada ee Ruushka,” balse wuu ka gaabsaday faahfaahin, isagoo xusay in baaritaan socdo.
Jimcadii hore, Shirkadda Duulimaadka ee Azerbaijan Airlines ayaa sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah ee baaritaanka burburka ay tilmaamayaan “wax dibadda uga yimid diyaaradda.”
Sidoo kale, Azerbaijan Airlines ayaa hakisay duulimaadyada magaalooyin badan oo Ruushka ah iyadoo ay sii xoogaysanayso shaki ku saabsan in diyaaradda ay soo rideen nidaamka difaaca hawada ee Ruushka.
Shirkadda ayaa sheegtay inay “ka fiirsaneyso natiijooyinka hordhaca ah ee baaritaanka burburka… iyo inay tixgelinayso halista amniga duulimaadka.”
Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa sheegtay in Azerbaijan Airlines ay weli sii wadi doonto duulimaadyada lix magaalo oo waaweyn oo Ruushka ah, oo ay ku jiraan Moscow iyo St. Petersburg.
Dhanka kale, diyaarad ka tirsan Azerbaijan Airlines oo ku sii jeeday magaalada Mineralnye Vody ee koonfurta Ruushka ayaa ku noqotay Baku Jimcadii kadib markii qayb ka mid ah hawada Ruushka la xiray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee TASS oo ay dowladdu maamusho.
Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday burburka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay maqleen ugu yaraan hal qarax oo xooggan iyadoo diyaaradda ay ku sii dhawaanaysay halka ay markii hore ku socotay, Grozny, oo ku taalla koonfurta Ruushka.
“Way caddahay in diyaaraddu ay walax ku dhacday,” ayuu yiri Subhonkul Rakhimov, oo ka mid ah rakaabka, isagoo oo ku sugan isbitaalka. “Waxay ahayd sidii inay jaahwareersan tahay — diyaaraddii sidii hore uma muuqan, ayuu yiri.”
Qof kale oo rakaabka kamid ah , oo lagu magacaabo Vafa Shabanova, ayaa sidoo kale maqashay qarax waxayna tiri, “Aad baan u cabsadey.”
Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa sheegay in ay tahay, goor hore in wax laga yiraahdo eedeymaha ah in gantaal difaaca hawada ee Ruushka uu ka dambeeyay burburka diyaaradda Azerbaijan Airlines.
“Baaritaan ayaa socda, inta ay natiijooyinka baaritaanka soo baxayaan, kama hadleyno mana sameyn doonno wax faallo ah,” ayuu sheegay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov Jimcadii.
Si kastaba ha ahaatee, madaxa hay’adda duulista rayidka ee Ruushka, Dmitry Yadrov, ayaa bartiisa Telegram ku sheegay in ceeryaamo ay ka jirtay garoonka diyaaradaha ee Grozny oo ah halka diyaaradda loogu talagalay inay ku degto. Waxa uu sidoo kale sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay magaalada ku garaaceen wakhtiga uu shilka dhacay.
“Diyaaradaha drones-ka ah ee Ukraine waxay fulinayeen weerarro argagixiso oo ka dhan ah kaabayaasha rayidka… wakhtigaas,” ayuu yiri Yadrov Jimcadii.
HORSEED MEDIA