Baaq caalami ah oo Soomaaliya u dirtay dalalka iyo hay’adaha deeq bixiyayaasha

8 November, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey magaalada…

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey magaalada Belem ee dalka Brazil halkaas oo uu ka socdo Shirka Madaxda Adduunka ee COP30. Khudbaddiisa ayuu diiradda ku saaray doorka Soomaaliya ee la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo muhiimadda maalgelinta waara.

Mudane Saalax ayaa sheegay in “maalgelinta cimiladu aysan ahayn sadaqo, balse ay tahay iskaashi lagu doonayo isbeddel iyo xalal waara.” Isagoo arrintaas ku tilmaamay mid muhiim u ah dalalka soo koraya sida Soomaaliya oo si toos ah u saameeya cawaaqibta isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku wuxuu xusay in Soomaaliya ay hormuud u noqotay dadaallada caalamiga ah ee dhinaca cimilada, gaar ahaan gudbinta qorshaha NDC 3.0, kaas oo si buuxda ula jaanqaadaya yoolalka heshiiskii Paris ee cimilada. Wuxuu tilmaamay in tani ay caddeyn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka jawaabidda khatarta isbeddelka deegaanka.

Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda hirgelinta Qorshaha Maalgelinta NDC 2025–2035, kaas oo isku xira maalgashiga dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo deeqaha caalamiga ah. Wuxuu sheegay in qorshahani uu fure u yahay horumar waara iyo yareynta saameynta abaaraha iyo fatahaadaha.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay saaxiibbada caalamka iyo hay’adaha deeq bixiyayaasha ah in ay si dhab ah u garab istaagaan Soomaaliya, si ay u hirgeliso qorshayaal wax ku ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha cimilada. Wuxuu sheegay in iskaashigaas uu horseedi karo mustaqbal deggan, cagaaran oo waara.