Baarlamaanka Jabuuti oo wax ka bedelay Dastuurka si u tartamo Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u muuqda inuu mar kale u tartami doono xilka madaxtinimada…

26 October, 2025

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u muuqda inuu mar kale u tartami doono xilka madaxtinimada dalkaas kad dib markii maanta Baarlamaanka dalkaasi si rasmi ah u ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka, kaas oo meesha ka saaray xayiraaddii da’da musharaxa madaxweyne. Isbeddelkan ayaa ogolaanaya in qof ka weyn 75 sano uu u tartami karo xilka ugu sarreeya dalka taas oo horay u ahayd inuusan tartami karin.

Go’aankan Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad buuxda loo meel mariyay, waxaana la sheegay in isbeddelkaasi uu yahay mid muhiim ah oo lagu taageerayo “cusboonaysiinta siyaasadeed” ee dalka, sida ay sheegeen xubno ka tirsan xisbiga talada haya. Tani waxay fursad u siinaysaa Madaxweyne Geelle oo 77 jir ah inuu mar kale isu soo sharaxo doorashada la qorsheeyay Abriil 2026.

Isbeddelka dastuurka lagu sameeyey ayaa qeyb ka ah qorshe siyaasadeed oo ballaaran oo xukuumadda Jabuuti ay ku doonayso in ay dib u habeyn ku samayso nidaamka doorashooyinka sida lagu cadeeyey Wararka ay baahisay wakaaladda AFP, Mucaaradka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu sii adkaynayo xukunka sii joogista Madaxweyne Geelle kaas oo talada haya tan iyo sanadkii 1999.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaareysa muddo xileedkiisii lixaad taasoo sii xoojinaysa doodda ku saabsan muddo-dheerida hoggaamintiisa. Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka muhiimka ah ee istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika halkaas oo ay ku yaallaan saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin quwadaha waaweyn ee dunida.

Madaxweyne Geelle oo muujinayey inuu markii 6aad xilka isu sharixi karo.