Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed oo madaxweynihii labaad xilka ka qaadey

27 December, 2024

Kuuriyada Koonfureed ayaa u codeysay in xilka laga xayuubiyo ku simaha madaxweynaha Han Duck-soo

Xildhibaanada baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa u codeysay in xilka laga xayuubiyo ku simaha madaxweynaha dalkaas Han Duck-soo, laba toddobaad kaddib markii baarlamaanku xil ka xayuubin ku sameeyey madaxweynahooda Yoon Suk Yeol.

192 xildhibaan ayaa u codeeyay xil ka qaadistiisa, waxaa loo baahnaa oo keliya 151 Xildhibaan sida afhayeenku sheegay.

Ra’iisul Wasaare Han ayaa xilka la wareegay ka dib markii madaxweyne Yoon uu xilka ka qaaday baarlamaanku ka dib isku daygiisii ​​fashilmay ee uu ku doonayay in uu ku soo rogo sharciga dagaalka (Marshal Law) taariikhdu markey ahayd 3dii Disembar.

Han ayaa la rabay in uu dalka ka saaro qalalaasaha siyaasadeed, balse xildhibaanada mucaaradka ayaa ku dooday in uu diiday dalabaadka ah in la dhameystiro hanaanka xil ka qaadista Yoon oo la doonaayo n caddaaladda la horkeeno.

Xaaladda codeynta ee maanta ayaa ahayd fowdo iyadoo codbixinta la qabtay maanta Jimce ah.

Xildhibaanada ka tirsan Xisbiga Yoon iyo Han ee xisbiga talada haya ee People Power Party (PPP) ayaa mudaaharaad dhigay ka dib markii afhayeenka baarlamaanka qaranka Woo Won-shik uu ku dhawaaqay in 151 cod oo kaliya loo baahan yahay si loo meel mariyo sharciga xil ka qaadista.

Tani waxay ka dhigan tahay, si ka duwan 200 oo cod ee looga baahan yahay xil ka qaadista Yoon, inaan codadka sharci-dajiyayaasha talada haya loo baahan doonin markan ee Mr.Han xilka looga codadka mucaaradka oo keliya.

Han ayaa laga joojin doonaa shaqadiisa isla marka si rasmi ah loo ogeysiiyo go’aanka baarlamaanka.

Sida Madaxweynihii Mr.Yoon oo kale, xil ka qaadistii Mr.Han waxa ay u baahan doontaa in ay xaqiijiso oo taageerto maxkamadda dastuuriga ah, taas oo haysata 180 maalmood si ay u go’aamiso in xilka-qaadista la taageero iyo in kale.

“Waan ixtiraamayaa go’aanka Golaha Qaranka,” Han ayaa yiri Jimcihii, isagoo raaciyay “in uu sugi doono go’aanka maxkamadda dastuuriga ah.”

Mucaaradka ayaa markii ugu horeysay gudbiyay mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Mr.Han maalintii Khamiista ka dib markii uu horjoogsaday magacaabista seddex garsoore oo baarlamaanku u doortay inay kormeeraan kiiska Yoon.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Kuuriya ayaa sida caadiga ah ka kooban sagaal xubnood. Ugu yaraan lix garsoore waa in ay taageeraan xil ka qaadista Mr.Yoon si go’aanka loo taageero.

Hadda waxaa fadhiya lix garsoore oo keliya, taasoo la micno ah hal diidmo oo keliya ayaa Yoon ka badbaadin doonta in meesha laga saaro.

Mucaaradku waxa ay rajaynayeen in saddexda la magacaabay ee dheeraadka ah ay gacan ka gaysan doonaan wanaajinta fursadaha Yoon ee lagu ridayo.

Wasiirka maaliyadda Mr.Choi Sang-mok ayaa lagu wadaa in uu Mr.Han bedelo oo noqdo ku simaha madaxweynaha.

Xil ka qaadista Mr.Han waxay u badan tahay inay sii xoojiso siyaasad xumada iyo hubanti la’aanta uu dalku hadda la tacaalayo.