Baarlamaanka Labada Aqal oo ka doodaya xisaab xirkii Miisaanayadii 2024.

10 November, 2025

Guddiyada Maaliyadda ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho, iyagoo…

Guddiyada Maaliyadda ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho, iyagoo kaga doodayay warbixinta xisaab xirka Miisaaniyadda Qaranka ee sanadkii 2024.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Shirka waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan.

Intii uu kulanku socday, wasiirka iyo xubnihii la socday ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay xubnaha guddiyadu ka weydiiyeen habka xisaab xirka iyo meelaynta miisaaniyadda qaranka ee sannadkii hore.

Ugu dambayn, guddiyada maaliyadda labada aqal ayaa go’aamiyay in ay u yeeraan Hantidhowraha Guud ee Qaranka, si uu isna uga jawaabo su’aalo la xiriira warbixinta xisaab xirka miisaaniyadda 2024-ka.