Golaha Wakiilada Puntland ayaa si adag uga hadlay talaabadii magaalada Garoowe looga celiyey diyaaraddii wadey xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashoodu tahay Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah oo looga hadlay xaaladda guud ee Puntland si gaar ahaan diyaaraddii shalay laga celiyey Garoowe.
Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka lagula kacay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Puntland iyo shacabka la socday diyaaradda, kuwaas oo 01/03/2026 hawada laga celiyey, talaabadaasi oo ku tilmaameen inay ahayd khatar la geliyey naftooda, kana soo horjeedda Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee lagu heshiiyey ee dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan falalka caburinta iyo khatar-gelinta sharci-darrada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku samaysay, kuna xanibtay isu-socodka shacabka iyo joojinta duulimaadyada.
“Hawada Soomaaliya soo celinteedii, sodon sanno ayey hay’addo ajnabi ah hayeen qof Soomaali ah laguma dhibaatayn, maanta oo lagu faraxsanaa oo muddo badan laga shaqaynayey oo dad badan ka qayb qaateen, goortii la yiri hay’addihii Soomaaliya gacanteedii lagu soo celiyey in laga dhigto hub dadka loo adeegsado oo lagu dhibaateeyo, wax la aqbali karo maaha.”Ayuu yiri; Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo war kooban soo saartay isla shalay ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu qoray oo sheegayey Isniinta (2 March 2026) in la joojiyey duulimaadyada gudaha iyo dibadda, balse masoo hadal-qaadin diyaaradda xildhibaanada dowladda Federaalka ee Garoowe laga soo celiyey.
Horseed Media



