Axmed Jaamac Maxamed Idiris ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland kadib markii…

Axmed Jaamac Maxamed Idiris ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland kadib markii uu buuxiyay booskii uu baneeyay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Dhaarta ayaa ka dhacday fadhigii maanta ee Baarlamaanka Puntland.
Xubintan cusub ayaa dhaarinteedu ka dambaysay kadib markii uu soo maray habraacyadii sharciyeed ee uu dhigayo xeer-hoosaadka Golaha iyo Dastuurka Puntland, taas oo sharciyeysay xubinnimadiisa rasmiga ah.
Axmed Jaamac Idiris ayaa hore uga mid ahaa guddiga doorashooyinka Puntland (PEC), taas oo muujinaysa khibraddiisa dhinaca maamulka iyo siyaasadda.
Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo kursigan hore u hayay ayaa xilka iska casilay bishii July ee sanadkan, isaga oo markii dambe loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Dhaarta Xildhibaan Axmed ayaa ka dhigaysa in Golaha Wakiillada Puntland uu buuxo xubnihiisa rasmiga ah, iyadoo shaqooyinka sharci dejinta ay si caadi ah u sii socon doonaan.








