Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad ayaa…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad ayaa maanta guddoominayay fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhiga ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray arrimo la xiriira Garsoorka Puntland iyo la-xisaabtankiisa.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa in Golaha uu hor yimaado Golaha Garsoorka Puntland, balse qaar kamid ah xildhibaanada ayaa soo jeediyay in arrinta dib loo dhigo. Xildhibaannadu waxay sheegeen in aanay habboonayn in la bilaabo la xisaabtanka maadaama ay maqan yihiin xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Sare ee Garsoorka, taasoo keentay in la codsado in Garsoorka oo dhammaystiran uu golaha hortiisa yimaado marka hore.
Ka dib dood dheer oo ay xildhibaannadu muujiyeen aragtiyadooda kala duwan ayaa waxaa loo gudbay cod u qaadista soo jeedinta la xiriirta dib u celinta Garsoorka. Mudaneyaasha taageersan in arrinta dib loo dhigo ayaa ku tilmaamay tallaabada mid lagama maarmaan u ah in goluhu uu helo Garsoor buuxa oo matalaya dhammaan hay’adaha sare ee maamulka cadaaladda.
Ugu dambeyn natiijada codbixinta ayaa muujisay in 29 Mudane ay u codeeyeen in Garsoorka dib loo celiyo, halka 9 Mudane ay doonayeen in ajandaha lagu socdo sida uu yahay, waxaana ka aamustay 4 Mudane. Sidaas awgeed, Golaha Wakiillada Puntland ayaa si rasmi ah u ansixiyay in dib loo dhigo u yeeridda Golaha Garsoorka ilaa uu ka soo buuxsamo xubnaha maqan.



