Baarlamaanka Puntland oo ka dooday Hormarinta Caasimada Garoowe.

29 November, 2025

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta dood kulul ka yeeshay maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Puntland ee…

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta dood kulul ka yeeshay maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Puntland ee Garoowe, iyagoo ka hadlay hormarka caasimada dhinacyo kala duwan hormarinta, amniga iyo kor dhinta bilicda caasimada, sidoo kale xildhibaanada qaar waxay soo jeediyeen in si cad loo kala saaro maamulka caasimadda iyo kan gobolka Nugaal iyo degmada Garoowe kana gaar ahaato.

Xildhibaanadu waxay tilmaameen in baahida maamulka caasimaddu ay korortay, taasoo u baahan in loo helo qaab maamul oo u gaar ah oo ka shaqeeya hormarkeeda.

Intii dooddu socotay, xildhibaanadu waxay ku baaqeen in dib loo fasaxo miisaaniyaddii 3% ahayd ee horay loogu qoondeeyey caasimadda, isla markaana kor loo qaado maadaama Garoowe ay sii balaartay, baahiduna ay ka sii badan tahay. Waxaa la xusay in adeegyada bulshada, amniga iyo qorsheynta magaalo-weynta ay u baahan yihiin maalgelin joogto ah.

Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa dood dheer kadib magacaabay guddi gaar ah oo loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan arrimaha la xiriira maqaamka caasimadda, kuwaas oo dib loogu soo celin doono xildhibaanada marka ay soo diyaariyaan talooyin iyo hindiseyaal rasmi ah.

Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa ka doodista arrimaha caasimadda, iyadoo xildhibaanadu si qoto dheer uga hadleen amniga, horumarinta iyo muhiimadda ay leedahay sidii Garoowe loogu abuuri lahaa maamul u dhigma heerka caasimadnimo ee Puntland.