Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Qaranka, kadib…

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Qaranka, kadib kulan ay yeesheen xildhibaannada labada Aqal, iyadoo Wasiirka Arrimaha Qoyska, Khadiija Maxamed Al Makhzoumi, ay horgeysay liiska xubnaha guddigan. Codbixinta ayaa lagu oggolaaday 142 cod, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin cid diidmo muujisay.
Intii uu socday kulanka, Wasiir Khadiija Al Makhzoumi ayaa si xooggan u adkaysay muhiimada dhameystirka guddigan, iyadoo sheegtay in beesha caalamka ay si dhow u sugaysay tallaabadan. Waxay tilmaamtay in guddigani uu door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha ee dalka.
Wasiir Khadiija ayaa uga mahadcelisay xildhibaannada baarlamaanka taageerada ay muujiyeen, iyadoo sheegtay in go’aanka maanta la gaaray uu muujinayo biseyl siyaasadeed iyo u heelnaan lagu xoojinayo hay’adaha garsoorka iyo kuwa difaaca xuquuqda muwaadiniinta.
“Waxaan uga mahad celinayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS sida sharafta leh ee ay maanta noogu ansixiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waana taariikh mug leh oo ay Soomaaliya qortay maanta” Ayey tiri Khadiija.
Dhanka kale, qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa ka muujiyay walaac ku saabsan habraaca xulista xubnaha guddiga, iyagoo ku baaqay in mustaqbalka la hubiyo daahfurnaanta iyo caddaaladda habka magacaabista. Si kastaba ha ahaatee, arrintaasi ma saamayn natiijadii guud ee codbixinta.



