Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee Bangigga Dowladda ee degmada…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee Bangigga Dowladda ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag.
Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Bangigga Dowladda Puntland, Saraakiisha ciidamada, maamulka Gobolka iyo kan degmada.

Dhamka kalena, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka duulaya horumarinta iyo Tayaynta Booliska Puntland, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Sanaag oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubni ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska, Taliyaha guud ee Ciidanka daraawiishta DPL, Saraakiisha Qeybta Booliska gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan iyo marti Sharaf kale.





