Badhan oo martigelinaysa xuska sanad guurada 27aad ee aasaaskii Puntland.

29 July, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ka kooban golayaasha…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ka kooban golayaasha dowladda ayaa ku wajahan Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Shirka todobaadlaha ah ee golaha xukuumadda ayaa lafilayaa inuu maalinimada Khamiista ah ka qabsoomo magaalada Badhan oo sanadkaan la qorsheeyey in lagu qabto sanad guurada 27aad ee ka soo wareegatey aasaaskii Puntland, sida ay sheegayaan warar ay heshay HM.

Cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee Puntland oo ka qaybgeli doona dabbaal-degyada 1da Agoos ayaa gaarey Magaalada Badhan, sida ay saraakiisha ciidanku xaqiijiyeen.

Bulshada Magaalada Badhan iyo guud ahaanba gobolka Sanaag ayaa Madaxweynaha Puntland ka sugaya ballanqaadyadii uu u sameeyey 2023, xilligaas oo uu olole ugu jirey xisbiga dowladda ee KAAH oo cod aqlibiyad leh ku hoggaaminaya maamulka degmada Badhan.