Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maanta u ballansan ansixinta waxka-beddel lagu sameeyey cutubyo katirsan…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maanta u ballansan ansixinta waxka-beddel lagu sameeyey cutubyo katirsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia, xilli uu jiraan culaysyo siyaasadeed oo dalku wajahayo.
Xubnaha labada aqal ee barlamaanka Somalia oo ay ka maqan yihiin inta badan xildhibaanadii Puntland, Jubbaland iyo kuwa mucaaradka ah ayaa lafilayaa inay ansixiyaan cutubyadaan oo ay waxka-beddelkooda dabada ka riixaysay Madaxtooyada Somalia.
Guud ahaan 48 xildhibaan oo ka soo jeeda Puntland waxa dhammaystirka Dastuurka JFS qaadacay 30 xil, halka ay goobta joogaan 18 xildhibaan oo qaarkood xilal ka haya xukuumadda federalka ah ee Somalia.

Dhanka kalena, 39 Xildhibaan oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa qaadacay ka qaybgalka waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, waxaana ay war-saxaafadeed ka soo saareen Kismaayo.





