Islamabad — Bakistaan ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo koox badmaaxayaal ah, oo ay ku jiraan 11 muwaadin oo u dhashay Bakistaan, kuwaas oo markabkooda laga afduubtay xeebaha Soomaaliya horraantii sanadkan.

Wadahadal khadka taleefanka ah oo Talaadadii dhacay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Ishaq Dar, ayaa arrinta la wadaagay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, isagoo muujiyay waxa Pakistan ay ku tilmaantay “walaac weyn” oo ku saabsan sii deynta shaqaalaha.
Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Mr Dar wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay hubinta badbaadada la haystayaasha, wuxuuna ku boorriyay dadaallada lagu xaqiijinayo sii deynta iyo dib ugu soo laabashada dalkooda si ammaan ah.

Badmaaxiinta ayaa saarnaa markabka MT Honor 25, markabkan ayaa laga qabtay xeebta koonfur-bari ee Soomaaliya 21-kii Abriil.
11-ka shaqaale oo reer Pakistan ah iyo shaqaalaha kale ee markabka, ayaa weli ku jira gacanta kooxda qafaallatay.
Bayaanka Pakistan laguma sheegin kooxda mas’uulka ka ah afduubka.

Isagoo arrintan ka jawaabaya, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya wuxuu u xaqiijiyay Pakistan in mas’uuliyiintu ay sameynayaan “dadaallo joogto ah” si loo sii daayo la haystayaasha sida ugu dhakhsaha badan.
Labada wasiirba waxay ku heshiiyeen inay xiriir dhow yeeshaan inta dadaallada lagu xallinayo xaaladda ay sii socdaan.
Wadahadalka labada dhinac wuxuu sidoo kale taabanayey arrimaha gobalka.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, dowlada Soomaaliya waxay ammaantay dadaallada diblomaasiyadeed iyo dhexdhexaadinta Pakistan wado ee lagu xalinayo colaadda ka socota Bariga Dhexe.




