Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in howlgal qorsheysan oo subanimadii hore ka dhacay…

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in howlgal qorsheysan oo subanimadii hore ka dhacay deegaanka Warta Eey-Duure oo 30 km waqooyi ka xiga magaalada Xudur ee gobolka Bakool lagu dilay horjooge sare oo ka tirsan kooxda AlShabaab.
War rasmi ah oo ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in horjoogaha la dilay uu yahay Cabdullaahi Abuukar Cali oo muddo dheer xilal kala duwan ka soo qabtay kooxda gaar ahaan gobolka Bakool. Dowladda ayaa sheegtay in ninkan uu ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu saameynta badan gudaha Shabaab.
Intii uu xilalka hayay Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa kooxda u qaabilsanaa madaxa maaliyadda ee gobolka Bakool isla markaana ahaa mas’uulka ugu weyn ee askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro safafka maleeshiyaadka. Taliska Ciidanka ayaa ku tilmaamay hawlgalka mid si heer sare ah loo qorsheeyay.
Saraakiisha milateriga ayaa xusay in howlgalka uu bartilmaameedsaday shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay Warta Eey-Duure taas oo burbur xoogan loo geystay iyadoo halkaas laga saaray khatar amni oo muddo ku soo jiitay dadka deegaanka.
Howlgalka maanta ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowladda ay weli wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo dhowaan deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose lagu jabiyay kooxda laguna dilay in ka badan 120 xubnood oo ka tirsan taas oo ahayd mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee ciidamada qalabka sida gaaraan sanadkan.



