Beledweyne: Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka.

4 January, 2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer shaqo…

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer shaqo ku tegay fariisimada ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada Beledweyne, oo ah xarunta gobolka Hiiraan, si uu u qiimeeyo xaaladda amni iyo diyaar garowga ciidanka.


Kormeerka Taliyaha ayaa si gaar ah diiradda ugu saarnaa Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee ka tirsan Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugidda amniga gobolka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.


Intii uu booqashada ku guda jiray, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada kula dardaarmay inay xoojiyaan difaaca qaranka, isla markaana si buuxda u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay feejignaan iyo diyaar garow joogto ah.


Taliyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay ciidamadu ka qaadanayaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isaga oo ku boorriyay in la dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadgelyada deegaannada ay ka howlgalaan.


Booqashooyinkan kormeerka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dhiirrigelinayaan ciidanka, kuna xoojinayaan doorkooda muhiimka ah ee difaaca qaranka iyo sugidda amniga guud ee dalka.