Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Abriil 2026 si rasmi ah u saxiixay heshiiska…

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Abriil 2026 si rasmi ah u saxiixay heshiiska hirgelinta mashruuc ballaaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, kaas oo lagu maalgelinayo waddooyinka, garoomada diyaaradaha iyo biyo-mareennada magaalooyinka.
Mashruucan oo qiimihiisu dhan yahay $500 milyan ayaa laga fulin doonaa Dowlad-goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland, iyadoo qaybaha mashruucu ay ku kala duwan yihiin baahiyaha iyo mudnaanta deegaan kasta.
Somaliland ayaa mashruucan ka helaysa maalgelin gaaraysa $54 milyan, taas oo diiradda lagu saarayo dhismaha waddo casri ah oo dhererkeedu yahay 64 kiiloomitir, kuna xiri doonta Hargeysa iyo xadka Itoobiya (Haleya–Ina Guha). Waddadan ayaa la filayaa inay sare u qaaddo isku xirka ganacsiga Geeska Afrika. Sidoo kale, waxaa qorshaha ku jira dayactir iyo horumarin lagu samaynayo garoomada diyaaradaha.
Mashruuca ayaa socon doona ilaa sannadka 2031, iyadoo maalgelinta loo sii deyn doono marxalado kala duwan. Marxaladda ugu horreysa ee hadda la guda galay ayaa qiimaheedu yahay $160 milyan.
Qaybta koowaad ee mashruuca, oo ku baxaysa $138.2 milyan, waxaa lagu horumarin doonaa kaabayaasha adkeysiga leh iyo garoomada diyaaradaha. Waxaa ka faa’iidaysan doona garoomada diyaaradaha ee Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garoowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Dhoobley iyo Gaalkacyo. Sidoo kale, lacagtan ayaa lagu dhisi doonaa waddada 63-ka kiiloomitir ah ee isku xiraysa Hargeysa iyo xadka Itoobiya.
Qaybta labaad, oo loogu talagalay tayeynta hay’adaha iyo kor u qaadista awoodda shaqaalaha, ayaa lagu maalgelinayaa $5.8 milyan.
Dhanka kale, qaybta saddexaad oo ku kacaysa $8.5 milyan ayaa diiradda saari doonta hawlgallada iyo dayactirka joogtada ah. Waxaana lagu maalgelin doonaa nidaamyo casri ah oo lagu maamulo taraafikada hawada, sida ADS-B iyo VSAT, iyo sidoo kale dejinta qorshayaal maaliyadeed oo waara si loo hubiyo dayactirka iyo sii jiritaanka kaabayaasha la dhisayo.




