Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu dhaarinayey barlamaanka…

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu dhaarinayey barlamaanka cusub ee habeenimadii xalay lagu dhawaaqay.
Xubnaha barlamaanka oo ka kooban 82 wakiil oo 4 kamid ah haween yihiin ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey una helay xasaanadda iyagoo gudageli doona shaqooyinka doorashada hoggaanka maamulkaasi.
Hoggaamiyaha maamulka ahna musharax madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa siweyn ugu hambalyeeyey barlamaanka cusub ee loo doortay maamulkaasi, isagoo u rajeeyey inay dhammaystiraan shaqooyinka dhimman.
“Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Waqooyi-bari oo si rasmi ah loogu dhaariyey xildhibaanimada Golaha Wakiilada; waxaan u mahadcelinaya cuqaasha iyo Isimada dhaqanka oo si xilkasnimo leh u soo xulay xildhibaano si weyn ugu qalma inay ay metelaan shacab weynaha WBS”, Ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye.




