17 August, 2025
Guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa si rasmi ah ugu…

Guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liis xildhibaano ah oo ka kooban 83 xubnood oo ka kala yimid gobolada Sanaag, Sool iyo Cayn.
Xildhibaanada cusub ayaa waxaa ka soo muuqday 4 haween ah iyadoo gobolada Sool iyo Cayn ay ka soo baxday hal gabar isla markaana aysan fursad helin gabdhihii soo codsaday kuraasta.






