Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku jooga gobollada Raasasaayr iyo Bari ayaa habeenimadii…

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku jooga gobollada Raasasaayr iyo Bari ayaa habeenimadii xalay kulan muhiim ah la qaatay bulshada degmada Iskushuban ee gobolka Bari.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Iskushuban ee gobolka Bari.
Guddiga ayaa dhegaystey baahiyahooda bulshada, cabashooyinka jira iyo caqabadaha ay la tacaalayaan, iyadoo kulanka uu qayb ka yahay dadaallada Golaha Wakiillada ee ku wajahan dhageysiga shacabka iyo la socodka xaaladda dhabta ah ee ka jirta degmooyinka Puntland.




