Barlamaanka Puntland oo ajandahooda ka saaray la xisaabtanka saddex wasaaradood.

30 November, 2025

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntlad oo kujira kal-fadhigooda 57-aad ayaa ajandayaashooda ka saaray la xisaabtanka wasaaradaha maaliyadda,…

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntlad oo kujira kal-fadhigooda 57-aad ayaa ajandayaashooda ka saaray la xisaabtanka wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha iyo kalluumeysiga.

Golaha ayaa shalay cod gacantaag ah kaga saaray ajandaha 8-aad ee ku jiray ajandayaasha kalfadhiga 57-aad, kaas oo ahaa in loo yeero saddexda wasaaradood si wax looga waydiiyo waajibaadkooda shaqo.

Tallaabadaan ay barlamaanku qaadeen ayaa lagu sheegay arrimo farsamo iyo waqtiyeed oo la xiriira habsami u socodka kal-fadhiga 57aad ee barlamaanka.