Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Dowladda…

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Dowladda Puntland, kaddib fadhi ay yeesheen mudanayaasha Golaha. Ansixintan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dimuqraadiyadda iyo diyaarinta doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.
Fadhiga ansixinta waxaa ka qeyb galay mudanayaasha Golaha Wakiillada, iyadoo cod loo qaaday wax-ka-beddellada lagu sameeyay xeerka. Natiijada codbixinta ayaa muujisay in 31 mudane ay oggolaadeen, 2 mudane ay diideen, halka 5 mudane ay ka aamuseen, taasoo ka dhigtay in xeerka lagu ansixiyo aqlabiyad cad.
Wax-ka-beddelka xeerkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo hufnaanta iyo tayada diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, isla markaana uu fududeeyo hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah. Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dib-u-habeyn lagu tayeynayo sharciyada iyo hay’adaha la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka.
Guddiga doorashooyinka ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid humiim ah oo loo qaaday nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, xilli ay Puntland kujirto diyaar garawga doorashooyin heerar kala duwan ah.





