Xildhibaanada golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta soo gababayeey doodaha ay ka lahaayeen wax-ka bedelka Xeerka…

Xildhibaanada golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta soo gababayeey doodaha ay ka lahaayeen wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada oo dhawaan xukuumaddu u soo gudbisey.
Xeerkaan oo ay goluhu maalmihii la soo dhaafay qodob qodob uga doodayeen ayaa waxaa ogol ugu codaysay 32 xildhibaan, halka ay ka aamuuseen 2 xubnood oo kamid ah 34 xildhibaan oo fadhiga soo xaadiray.
Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ku dhawaaqay in xeerku ansax yahay isla markaana fulintiisa looga fadhiyo hay’adaha kala duwan uu quseeyo.





