Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta yeeshay fadhigii 17-aad ee Kalfadhiga 58-aad, kaas oo uu shir guddoominayay…

Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta yeeshay fadhigii 17-aad ee Kalfadhiga 58-aad, kaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise.
Ajandaha ugu weyn ee fadhiga ayaa ahaa ka shaqaynta wax-ka-beddelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland, oo kamid ah sharciyada muhiimka u ah hannaanka dimuqraadiyeynta iyo nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.
Intii uu socday fadhigu, Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada ayaa mudaneyaasha u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qodobada lagu sameynayo wax-ka-beddelka xeerka iyo ujeeddooyinka laga leeyahay dib-u-eegistiisa.
Kadib soo bandhigista warbixinta, xildhibaannada Golaha ayaa guda galay dood qodob-qodob ah oo lagu falanqeeyay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka. Mudaneyaashu waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan qodobada kala duwan si loo helo sharci waafaqsan baahiyaha siyaasadeed iyo horumarka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.




