Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shir guddoomiye kulan ay yeesheen guddiga joogtada ah…

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shir guddoomiye kulan ay yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha oo looga hadlayey go’aankii lagu xanibay duulimaadyada rayidka ee deegaamada Puntland iyo xaaladda dalka.
Guddiga Joogtada ah ayaa ugu horrayn cambaareeyey xadgudubka lagula kacay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Puntland iyo shacabka la socday diyaaradda, kuwaas oo 01/03/2026 hawada laga celiyey, iyadoo khatar la geliyey naftooda. Arrintaasoo ka soo horjeedda Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee lagu heshiiyey ee dalka.
Waxaa kale oo ay ka soo horjeesteen falalka caburinta iyo khatar-gelinta sharci-darrada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku samaysay, kuna xanibtay isu-socodka shacabka iyo joojinta duulimaadyada, iyadoo si khaldan looga faa’iideystay awoodda iyo mas’uuliyadda saaran Dowladda Federaalka.
Ugu dambayntii, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan inay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo wada noolaanshahooda, si looga bedbaado khatar kasta oo dalka ku timaadda.



