Barlamaanka Puntland oo la xisaabtamay xubno katirsan xukuumadda.

2 July, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 56-aad…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝, 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐲𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 iyo 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.

Mudanayaasha ayaa Mas’uuliyiinta wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka wax ka waydiiyey arrimaha waddooyinka guud, canshuuraha gaadiidka, dhismaha jidka Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo, wadada Xarfo iyo Galkacyo iyo arrimo kale.